Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kulan gaar ah kula yeeshay magaalada New York Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres.
Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha Soomaaliya, howlaha UN-ka uu ka wado iyo sidii loo xoojin lahaa.
HALKAN RIIX DAAWO VIDEO
Sidoo kale waxaa laga wada hadlay wada shaqeynta hey’adaha QM iyo Hey’addaha dowladda Federaalka.
Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa ammaanay horumaradii kala duwanaa ee ay sameysay dowladda Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in dalka horumaro la taaban karo ka jiro, isagoo soo hadal qaaday caqabado dowladda ka heysa dhinacyada siyaasada iyo arrimaha bani’aadanimada.
Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo wafdi uu hoggaaminayo oo Soomaaliya uga qeyb galay shirka Qaramada Midoobey ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda dalka dib ugu soo laabtaan.