WARARKA SOOMAALI

Xukuumadda oo Maanta shir ka yeelatay Amniga dalka iyo cunaqabataynta hubka saaran DFS

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa maanta guddoomiyey kulan looga hadlayey xaaladda amniga dalka iyo cuna-qabataynta hubka ee saaran Soomaaliya muddada dheer.

Masuuliyiin ka tirsan Wasaaradaha Gaashaandhigga iyo Amniga Gudaha ayaa ka warbixiyay hawlgallada dib u xoreynta, oo illaa hadda guulo waaweyn laga gaaray gaar ahaan gobollada Galgaduud, Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

“Hawlgallada lagula dagaalanayo kooxda Al-shabaab ayaa lagu dilay in ka badan 2000 oo dagaalame ka tirsanaa Al-shabaab afartii bilood ee u dambeysay” sida lagu sheegay Qoraal laga soo saaray Xafiiska Ra’iisul Wasaare Xamse Barre.

Ra’iisul Wasaaaraha Xukuunadda Federaalka Soomaaliya ayaa xusay in xukuumaddiisa ay ka go’an tahay ciribtirka Shabaab.

Waxaa kale oo uu sheegay in xukuumaddu dadaal gelin doonto sidii ay ugu guulaysan lahayd in dalka laga qaado cuna-qabateynta hubka.

Shirka ayaa lagu soo jeediyay dhisitaanka guddi ka kooban laba heer oo kala ah guddi fulin iyo guddi farsamo oo ka shaqeyn doona fulinta bartil-maameedyada qorsheysan ee Dowladda Soomaaliya ku xaqiijinayso in dalka si dhameystirsan looga qaado Cunaqabataynta hubka, taasi lagu fulinayo muddo sanad gudaheed ah.

Shirka ayaa intii uu socday waxaa sidoo kale lagu gorfeeyey hindise sharciyeedyada Hay’adda Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, hindise sharciyeedka la dagaalanka Al-shabaab iyo hindise sharciyeedka Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyada Soomaaliya.

Xukuumadda oo Maanta shir ka yeelatay Amniga dalka iyo cunaqabataynta hubka saaran DFS
To Top