WARARKA SOOMAALI

Xubnaha Baarlamaanka maamulka Puntland oo goordhow xasaanada ka xayuubiyey Dhoobo-dareed-Akhriso

Garoowe (HM) – Xildhibaanada maamul goboleedka Puntland ayaa goordhow xasaanada ka qaaday xildhibaan Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo Daareed) oo ahaa guddoomiyihii hore ee baarlamaanka maamulkaasi.

Kulan ay xildhibaanadu ku yeesheen magaalada Garoowe ee Caasimada gobolka Nugaal ayaa waxaa la horgeeyey mooshinka xasaanada looga xayuubiyey Dhoobo Daareed, kaas oo ay gudbiyeen 38 Mudane oo ka tirsan golaha wakiilada Puntland.

Illaa 40 xildhibaan ayaa kulanka goob joog ahaa, waxaana u codeeyey in xasaanada laga qaado mudanahaasi, 39 xildhibaan, halka uu ka aamusay guddoomiyaha golaha.

Guddoonka baarlamaanka ayaa ku dhawaaqday natiijada codeynta oo gacan taag aheyd, wuxuuna shaaciyey inuu ansax yahay go’aankaasi.

Mooshankan xilka lagaga xayuubiyey ayaa waxaa gadaal si xoogan uga riixayey Siciid Deni Madaxweynaha maamulka oo isagu dagaal siyaasadeed iyo mid gacan ka hadal ahba la galay Dhoobo-dareed.

Sababta ugu weyn ee xasaanada loo gala laabtay, Cabdixakiin Dhoobo Daareed ayaa lagu sheegay inuu ka xadgudbay dastuurka iyo sohdimaha maamulkaasi.

Sidoo kale waxaa lagu eedeeyey inuu wado dhismaha maamul cusub oo ka madax banaan maamulka fadhigiiu yahay Garoowe ee Puntland.

Xildhibaan Cabdixakiin Dhoobo Daareed oo xil ka guddoomiyenimo laga qaaday todobadii Bishii hore ee November kadib dagaal dhiig ku daatay oo ka dhacay xarunta looga arrimiyo xubnaha wakiilada, ayaa haatan ku sugan Magaalada Addis Ababa ee Caasimada dalka Itoobiya, halkaas oo uu ka wado dhaq dhaqaaq siyaasadeed, xili uu kulan la qaatay Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Puntland Cabdixakiim Camey oo hada ah safiirka Soomaaliya ee dalkaas.

Dhoobo-dareed ayaa dookh u haya dhisitaanka maamul ka hirgala Gobolada Sool, Sanaag iyo Buuhoodle. waxaana kulankan uu la yeeshay Camey ka qayliyey mamulka Hargeysa gaar ahaan gudoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo sheegay in Villa Soomaaliya ay dabada ka riixayso maamul laga dhiso deegaanadan, Sidoo kale xil ka xayuubinta Dhoobo ayaa kusoo beegmaysa xili ay jiraan warar sheegaya in Farmaajo aqbalay kulan uu dalbaday Dhoobo-dareed taaso suuragalin karta in uu Xamar ka dego kadibna kulamo dhacaan.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top