WARARKA SOOMAALI

Xogta:-Soomaliland Muuse Biixi oo laga baadhay cudurka Coronavirus.

Hargeysa (HM) – Waxaa dhawaan soo shaac baxday in wasiiro ka tirsan maamulka Soomaliland gaar ahaan golaha wasiirada ee Xukuumadda Muuse Biixi laga helay cudurka safmarka ah ee Coronavirus, sida ay baahisay wasaarada caafimaadka maamulka Somaliland.

Wasiiradaasi oo tiradooda lagu sheegay 2-wasiir ayaa cudurka laga helay kadib markii ay wasaarada caafimaadka Somaliland ay baadhis ku sameysay, maadama ay isku arkeen calaamado kamid ah kuwa cudurkaasi.

Xaalada caafimaad ee madaxweyne Muuse Biixi ayaa himika ah mid wanaagsan, iyada oo laga baadhay cudurka Coronavirus, sida ay ilo xogogaal ah inoo xaqiijiyeen.

Sida aan wararka ku ogaanay Muuse Biixi lagama helin cudurkaasi kadib markii ay soo baxday natiijada baadhistiisa oo noqotay ‘Negative’.

Muuse Biixi ayaa hore u qaaday talaabooyin uu uga fogaanayo wasiiradiisa iyo gebi ahaanba shaqaalaha kala duwan, isagoona xadiday dadka la jooga, xili uu gudaha Somaliland kusii baahayo cudurka dilaaga ah ee Karoonuhu.

Madaxweynaha maamulka Soomaliland ayaa taxadar badan muujinayey tan iyo intii uu cudurkaasi uu soo gaadhay deegaanada Somaliland, midaasi oo la rumeysan yahay inay xayn-daab uga noqotay in cudurku uusan u gudbin Biixi.

Muuse Biixi ayaa dhowr jeer halis u galay cudurkaasi, sida ay aaminsan yihiin xubno kamid ah wasaarada caafimaadka, maadama uu ka qeyb galay kulamo ay boqolaal ruux iskugu yimaadeen gudaha magaalada xudunta u ah cudurka ee Hargeysa.

Marka laga reebo wararka aan helnay ma jirto ilaa hadda wax war ah oo ay xukuumada Somaliland kasoo saartay baadhitaanada lagu sameeyay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

Horufadhi News

SOMALI NEWS

To Top