Laascaanood ( HM )-Sidii aanu horay u baahinay Waxaa soo baxay Warar sheegaya in dalka Jabuuti ay kulan ku yeelan doonaan Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxwaynaaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Sidoo kalana waxaa Jiri doonaa Wufuud ay kala Hogaaminayaan oo la socda.
Xogtii ugu dabaysay ee Warbaahintu ay heshay ayaa waxay sheegaysaa in Xubnaha la filayo in ay kumatalaan kulanka Jabuuti ay kamid yihiin.
Dhinaca Dawladda Federaalka Soomaaliya
1- Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo
2- Raysal-Wasaare Xasan Cali Khayre
3- Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh
4- Wasiirka Arrimaha Gudaha Cabdi Maxamed Sabriye.
Dhinaca Soomaliland
1- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi
2- Guddoomiyaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan
3- Wasiirrka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon
4- Wasiirka Ganacsiga Maxamuud Xasan Saajin
5- Wasiirka Xanaannada Xoolaha Siciid Sulub.
Liiskan ay Warbaahintu heshay ayaa u muuqda in dhinaca DF Soomaaliya Wufuuda Metelaysa laga reebay Siyaasiyiinta kasoo jeeda Gobolada Waqooyi, IYadoona Arintaasi ay horay Somaliland dood uga keentay, waxaana sidoo kale dhinaca Somaliland xubnaha ku metalaya laga soo dhex muujiyey Markan Siyaasiyiin aysan Beelahoodu ku Qanacsanayn Nidaamka gooni goosad ee Maamulka Somaliland.
Dad badan ayaa Qaba inaan Kulamada waxba kasoo bixi Karin [Hadii Madaxda Maamulka Somaliland aysan Shacabka ku Qancin Karin midnimo, Halka Madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan ku dhowaaqi Karin inay dalka kala gooyeen].
Maxay kula tagay adiga in Xal looga gaadhi karo Arintan oo kusii siqaysa 30-Sanno ?
Xigasho: Kalshaale.com