Hargeisa (HM ) Dowladda Soomaaliya ayaa Hawada ka celisay Diyaarad sida Qaadka Miirooga Kenya oo maanta doonaysay in ay ka degto garoonka Diyaaradaha Hargeysa.
Diyaaradda oo u raran Ganacsato reer Somaliland ah ayaa dib ugu laabatay gudaha Kenya waxana ay fadhiisatay Garoonka Magaalada Wajeer, iyadoo lagu haysto Xadgudub ay ku sameysay Hawada dalka.
Soomaaliya wali ma fasixin duulimaadyada dibada, waxaana sidaas oo kale xaniban Qaadka ka imaanayay Itoobiya rabshadaha kajira awgeed.
Miiroga Kenya ee maanta laga celiyay Hargeysa ayaa ku soo beegmaya xilli uu yaraaday Qaadkii ka iman jiray dhinaca Ethiopia sababo la xidhiidha Qalalaasaha ka socda gudaha Ethiopia.
Dhinaca waxaa la sheegayaa in Keenista Qaadka Kenya ayaa ka dambeeyeen Xildhibaano Kiinyaati ah oo maalintii shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi kulan la qaatay, Waxaa la sheegayaa inuu Jiro heshiis ku aadan keenista Qaadka Miirooga, inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin.
Horufadhi News