WARARKA SOOMAALI

Xoghayihii Golaha Shacabka oo xilkii iska Casilay & mid cusub oo la magacaabay

Wasiiru dowlihii hore ee Wasaaradda Waxbarashada Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri ayaa loo magacaabay Xoghayaha guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya.

Wareegto kasoo baxday Guddoomiyaha Golaha Shacabka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa lagu magacaabay Cabdiraxmaan Jaabiri inuu noqdo Xoghayaha Golaha

Magacaabistaan ayaa timid, kadib markii Xoghayihii guud ee Golaha Shacabka Baarlamaanka  Cabdikariin Xaaji Cabdi Buux uu ku dhawaaqay inuu xilkii iska casilay.

Cabdikariin Buux ayaa Guddiga joogtada Golaha Shacabka kahor sheegay inuu xilkii iska casilay, waxaa uu xilkaas haayay dhowr sanno ah.

 

 

Xoghayihii Golaha Shacabka oo xilkii iska Casilay & mid cusub oo la magacaabay
To Top