Nairobi ( HM ) Kulan hordhac u ah wada-hadallada Dawladda Soomaaliya iyo maamulka Somaliland ayaa maalinta berri ah ka furmaya magaalada Nairobi ee dalka Kenya.
Kulanka ayaa waxaa ka qayb-galaya mas’uuliyiin ka kala socota labada dhinac ah iyo Bulshada Caalamka..
Dhinaca Dawladda dhexe ee Soomaaliya waxaa la sheegay inuu uga Qayb gelayo Agaasimaha madaxtooyada Dr. Nuur Diiriye Fuursade iyo Kaaliyaha Agaasimaha Madaxtooyada Cabdisataar Geelle.
Sidoo kale Somaliland waxaa Shirka uga Qayb galaya Wasiirka Arrimaha Dibadda Yaasiin Maxamuud Faratoon, Maareeyaha Hay’adda Duulista Hawada Maxamed Cabdi Rodol iyo Wakiilka Somaliland ee dalka Kenya Baashe Cawil Cumar.
Dhinaca Bulshada Caalamka Waxaa la sheegay inay Shirka ka qayb geli doonaan Danjiraha Turkiga u qaabilsan wada-hadallada Somaliland-Somalia Olgan Bekar, Wakiilka ururka IGAD u qaabilsan Soomaaliya iyo Waddamada Badda Cas Dr. Maxamed Guyo, Danjiraha Midowga Yurub ee Geeska Afrika Alexander Randos, Madaxa Xafiiska Dawladda Ingiriiska ee Hargeysa Stuart Brown iyo saraakiil kale.
Kulanka ayaa waxaa soo qaban-qaabisay xarunta xallinta khilaafaadka ee Centre for Humanitarian Dialogue (HD).