Maxkamadda Sare ee Puntland ayaa si rasmi ah u shaacisay dhegaysiga dacwad la xiriirta sax-ahaanshaha xilka xayuubintii lagu sameeyay 8 mudane oo ka tirsanaa Baarlamaanka Puntland.
Maxkamadda sare waxay dhegaysiga kiiskaas u muddaysay 10-bishan December oo ku beegan Khamiista todobaadkan, kadib markii xildhibaannadii xilka xayuubinta lagu sameeyay ay soo gudbiyeen dacwad la xiriirta kiiskooda.
“Dacwadda kiiskan, waxa la dhegaysan doona 9:00am subaxnimo ee maalinta Khamiista ah, ayaa lagu yiri Qoraal kasoo baxay Maxkamadda sare ee dowlad Goboleedka Puntland.
Xildhibaanada xasaanada laga qaaday ayaa sheegay in ay weli yihiin Xildhibaano, isla markaana si sharci darro ah Baarlamaanka Puntland u maray xilka qaadistooda, iyagoona Xukuumadda ku eedeeyay inay ka dambeeysay arrintii dhacday.
Xildhibaandii xilka laga qaaday ayaa kala ahaa Maxamuud Maxamed Barre, Cabdicasiis Siciid Maxamuud (Baduugaaye), Maxamuud Axmed Caalin, Cabdi Jamaal Cismaan Maxamed, Saleebaan Faarax Ciise, Cabdiqani Abshir Jaamac ( Surato) iyo Muuse Siciid Xassan (Jajabsay).