Lix (6) Xildhibaan oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, waxaana mudaneyaasha la doortay afar (4) ka mid ah ka tirsanaayeen Baarlamaanka 10-aad ee waqtigoodu dhammaaday.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Jubaland Cabdirashiid Jire Qalinle ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-082, wuxuuna helay 75 cod, halka Siyaad Aadan Iidle oo la tartamay uu helay 20 cod.
Xasan Cabdi Ismaaciil (Xasan Firinbi) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-217, wuxuuna helay 71 cod, halka Maxamed Farax Muxumed oo la tartamay uu helay 20 cod.
Hamse Cabdi Barre ayaa loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-203, wuxuuna helay 69 cod, halka musharaxii la tartamay Axmed Maxamed Maxamuud uu helay 17 cod, waxaana la sheegay in ay xumaadeen 15 cod.
Maxamed Cali Cumar (Caana-nuug) ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-108, wuxuuna helay 76 cod, halka Ibraahim Cabdulle Ibraahim oo la tartamay uu helay 19 Cod.
Sahra Jaamac Cali ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-134 ee Golaha Shacabka, kadib markii ay u tanaasushay Fartuun Axmed Yuusuf. Waxaa hab gacan taag ah ugu codeysay 97 cod.
Sidoo kale Maryan Aweys Jaamac ayaa mar kale loo doortay kursiga tirsigiisu yahay HOP-113 ee Golaha Shacabka, waxayna heshay 83 cod, halka Saynab Cali Magaanga oo la tartantay ay heshay 15 Cod.