WARARKA SOOMAALI

DAAWO:-Sheekh Shariif oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo, xili uu jiro…

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ahna musharax Maadxweyne Shariif Sheikh Axmed ayaa ka hadlay khilaafka xooggan ee ka dhexeeya Farmaajo iyo Rooble, iyo arrimaha taagan ee la isku khilaafsan yahay.

Shariif waxaa uu sheegay in uu aad uga xun yahay tallaabadii uu qaaday farmaajo eek u aaddaneed shaqo ka joojintii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xsueen Rooble, taasi oo uu ku tilmaamay sharci darro uu ku dhaqaaqay maadxweynaha mudda xileedkiisu dhammaaday.

Sidoo waxaa uu farriin u diray Ciidanka Xoogga dalka, waxaana uu nasiib darro weyn ku tilmaamay in Ciidanka loo siticmaalo dano gaar ah, aysana ku milmin arrimaha siyaasadda dalka,gaar ahaan dhinacyada is diidan.

Madaxweyne Farmaajo ayuu sidoo kale ugu baaqay in uu Ra’iisul wasaaraha kaga leexdo arrimaah doorashooyinka dal, maaddaama uu horay ugu wareejiyay arrimaha doorashooyinka, iyadoo uu intaa ku daray in Farmaajo uu carqalad ku hayo horay u socodka doorashooyinka dalka.

HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA 

DAAWO:-Sheekh Shariif oo Baaq u diray Madaxweyne Farmaajo, xili uu jiro…
To Top