WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo Ganaax lagu riday

Guddoomiyaha Baarlamaanka dowlad Goboleedka Galmudug Dr. Maxamed Nuur Gacal ayaa fadhiyada Baarlamaanka oo afar kulan ah ka joojiyay Lix Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Maamulkaas, kuwaasi oo eedeyn loo jeediyay.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Guddoomiye Maxamed Gacal ayaa waxaa lagu sheegay in Xildhibaanada laga joojiyay fadhiyada Baarlamaanka lagu eedeeyay inay ku xadgudbeen Dastuurka Maamulka iyo xeer-hoosaadyada Golaha u degsan.

Xildhibaanada laga joojiya afarta kulan oo kamid ah fadhiyada Baarlamaanka Galmudug ayaa waxaa ku jiro Guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee Baarlamaanka iyo Xildhibaano kale, waxaana sidoo kalena laga joojiyay Gunno 2 bilood ah oo ay qaadan jireen.

Xildhibaanadan ayaa waxaa lagu amray in ay bixiyaan raali gelin iyo Cudur daar Qoraal ah inta uu socdo Kal-fadhiga 5-aad sanadka 2022, kadib markii lagu eedeeyay howl gudasho la’aan.

Xildhibaano ka tirsan Maamulka Galmudug oo Ganaax lagu riday
To Top