WARARKA SOOMAALI

Xildhibaano ka tirsan DFS oo Baaq la xiriira xaalada Laascaano u diray MW Xasan

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kana soo jeeda Gobollada Sanaag iyo Haylaan oo War ka soo saaray dagaalka maalintii labaad ku dhexmaraya magaalada  Laascaanood ciidanka kacdoonka iyo ciidanka Somaliland.

War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaanada dowladda Federaalka ee Gobollada Sanaag iyo Haylaan ayaa waxaa ay dowladda Soomaaliya ugu baaqeen inay caddayso mowqifkeeda ku aadan xaaladda Laascaanood, garabna istaagto calanka buluugga ah.

Xildhibaanadan ayaa Madaxweyne Xasan Sheekh, Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre iyo Guddoomiyeyaasha labada Aqal ka dalbaday inay ka hadlaan dagaalka Laascaanood, isla markaana ay caddeeyaan mowqifkooda.

Mudanayaasha ayaa soo dhoweeyey Shirkii Aaya-ka-tashiga ee deegaannada SSC-khaatumo, iyaga oo ugu baaqey dadka deegaannada Sanaag iyo Haylaan in ay garab istaagaan Sool.

Sidoo kale Xildhibaanadan ayaa si kulul u cambaareeyay weerarkii wuxushnimada ahaa ee saaka ciidanka Maamulka Somaliland ku qaadeen Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, kaasi oo geystay khasaaro dhimasho, dhaawac  iyo burbur hantiyadeed.

Xildhibaano ka tirsan DFS oo Baaq la xiriira xaalada Laascaano u diray MW Xasan
To Top