WARARKA SOOMAALI

Soomaliland: Xildhibaan Wiil yar oo Goomayste ah fal naxdin leh u gaystay & xaalad adag oo taagan.

Hargeisa ( HM) Xidlhibaan C.raxmaan maxamed Jaamac (Xoog) oo ka tirsan baarlamaanka Somaliland ayaa sheegay in Xildhibaan ka tirsan golahaasi uu ku kacay Fal Naxdin badan.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Xildhibaan xoog ayaa sheegay in Xildhibaan Axmed Kijaandhe uu Wiil dhalinyaro ah oo Banjarle ah (Goomayste) uu dilay markii uu waydiistay Lacagtii uu gaadhiga ugu Banjariyey, Hadana uu Wiilkaasi ku jiro Koomo oo Cisbitaalka yaalo.

“Wiilkii yaraa hada Koomo ayuu ku jiraa, Xagee lagu arkay Xildhibaan Wiilyar ku dilaya Saddex kun oo shilin, waa arin Naxdin leh inuu Xildhibaan sidaas ku kaco, Xildhibaanka waa in lala xisaabtamo, Sharciga kama sareeyo”. ayuu yidhi Xildhibaan xoog.

Wuxuu sheegay in xildhibaanka sharciga la mariyo oo Xasaanada marka hore laga qaado, hadii uu Qof shacab ah dhibaato u gaysto.

SOMALI NEWS

To Top