WARARKA SOOMAALI

Xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan oo ka taagan Galgaduud

Deegaanka Xanan-buure ee hoostaga magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Maamulka Galmudug ayaa waxaa Maanta laga soo sheegayaa xiisad dagaal iyo dhaq dhaqaaqyo colaadeed.

Deegaankaan ayaa shalay iyo xalay waxaa la dhacay dagaal u dhexeeyay laba maleeshiyo beeleed iyadoo saakana ay u muuqato in mar kale beeluhu dagaalami karaan.

Madaxda iyo odey dhaqameedyada Galmudug ayaan wali qaadin talaabo cad oo ay ciidan ku dhex dhigayaan labada maleeshiyo ama ay xitaa waan waan iyo xabad ioojin ka sameynayaan.

Bilahaan danbe waxaa soo kordhaya dagaal beeleedyada laga soo warinaayo gobolada Dalka haba ugu badnaadaan Hirshabelle iyo koonfur galbeed.

Gobollada dhexe ayaa waxaa marar badan kusoo laa laabtay dagaal beeleedyada, kuwaasi oo loo arko inay saameyn ku yeelan karaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab.

Xiisad u dhexeeysa Maleeshiyaad hubeysan oo ka taagan Galgaduud
To Top