WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo ka hadlay khilaafka Soomaaliya iyo Kenya

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay khilafka Diblomaasiyadeed ee ka dhaxeeya dowladda fedraalka Soomalaiya iyo Dowlada Keenya.

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shaaca ka qaaday in ay jirto arrin ay ku qaldantahay Kenya oo ah Qunsuliyadda ay ka furaneyso magaalada Hargeysa ee Caasimadda maamulka Soomaaliland.

Madaxda dowladda Soomaaliya ayuu sheegay in ay iyana ku qaldanyihiin in ay xiriirka u jaran dwoladda Kenya oo uu sheegay in ay deris muhiim ah u yihiin Soomaaliya.

“Waxaa inaan fahano u baahan anagu ma aanaa dooran inaan deris la noqono Kenya, iyaguna ma dooran inay nala dersaan, balse maanta laba arrin ayaa noo furan anaga iyo Kenya, inaan cadaawad iyo lugooyo iskula noolaano oo taasi siyaasad noo ahaato iyo inaan kuwada noolaano nabad, deris wanaag iyo iskaashi, taas dambe ayaana door bidayaa anigu,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa tilmaamay Kenya in ay Megan-galyo u joogaan Malaayiin Soomaali ah islamarkaana ay isku xiranyihiin amniga Kenya iyo Soomaaliya,isaga oo intaaas hadalkiisa kusii daray in ay jiraan Soomaali badan oo Ganacsiyo muhiim ah ku leh dalkaas.

SOMALI NEWS

To Top