WARARKA SOOMAALI

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Xasan Sheekh Maxamuud oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Muqdisho ayaa galabta dib ugu soo laabtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Dowlad-goboleedka Galmudug.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xasan Sheekh uu Dhuusamareeb ka sii ambaqaadayo dhammeystirka wajiga Koowaad ee howlgalka xoreynta dalka.

Madaxweynaha ayaa ka soo laabtay safar uu ku tagay magaalooyinka Baydhabo iyo Xudur oo la xiriira abaabulka wajiga Labaad ee howgalka dhawaan lagu xoreynayo deegaannada ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Koonfur-galbeed iyo Jubbaland.

Saldhigga hoggaaminta dagaalka Gobollada Dhexe ayuu Maxaxweyne Xasan Sheekh ka dhigtay Dhuusamareeb, dagaalka ugu adag ayaa Al-Shabaab uga furan Galmudug, koonfurta gobolka Mudug ayay ka gadaalamayaan maalmahaan,

Xasan Sheekh oo dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb
To Top