WARARKA SOOMAALI

Xaliimo Yarey oo Dalbatay in loogu yeero mgaca gaar ah oo ay shaacisay

Guddoomiyihii guddiga doorashooyinka Qaran Soomaaliya Xaliimo Ismaaciil Xaliimo Yarey ayaa markii ugu horeysay ka hadashay xilka qaadistii uu ku sameeyey Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Xaliimo Yarey ayaa dalbatay in loogu yeero magaca ah Xaajiyo Xaliim yarey, madaama ay sheegtay in habeen hore uu Madaxweyne Xasan Sheekh kala diray Guddigii madaxa-bannaan ee doorashooyinka Qaranka oo ay hoggaamineysay.

Xaliimo Yarey ayaa hadalkeeda intaas kusii dartay inuu meesha ka baxay Guddigii doorashooyinka Qaranka, isla markaana haatan ay dooneyso inay dadka ugu yeeraan magaca ah “Xaajiyo Xaliimo Yarey” oo aysan dooneynin in la dhaho Guddoomiye.

“Wixii Maanta ka dambeeya Xaajiyo Xaliimo Yarey iigu waca, waad ogtihiin xilkii guddoomiyaha meesha uu ka baxay,” ayey tiri Guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka Xaliimo Yarey.

Hadalkaan ayaa waxaa ay Xaliimo Ismaaciil Yarey ka sheegtay magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Gobolka Galgaduu, Munaasabad ka dhacday magaaladaas oo ay uga qeyb gashay xaflad lagu caleemo saaray Guddoomiyaha degmadaas iyo golaha cusub ee deegaanka.

Xaliimo Yarey oo Dalbatay in loogu yeero mgaca gaar ah oo ay shaacisay
To Top