Waan-waan hordhac ah ayaa laga gaaray colaaddii ka aloosnayd tuulooyinka Saax-maygaag iyo Sanga-jebiye, sida ay sheegayaan wararka Maanta oo sabti ah aan ka heleyno deegaanadaas.
Guddi ka kooban labada dhinac oo ku hawllan xallinta colaaddaas, ayaa go’aamiyay in maalinta berri ah la kala qaado malayshiyaadkii ku dagaallamay Saax-maygaag iyo Finley, si loo bilaabo wada-hadal nabadeed.
Dhinacyada hubaysan midkood, ayaa sida qorshaysan la gayn doonaa balli lagu magacaabo Godimaale oo ka tirsan tuulada Birta-dheer ee Gobolka Nugaal, islamarkaana qiyaastii 25KM dhanka koonfureed ka xiga Laamiga.
Sidoo kale, Dhinaca fadhiya Sanga-jebiye ayaa iyana la gayn doonaa degmada Boocame oo ka tirsan Gobolka Sool.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Tallaabadaas kadib, waxa lagu wadaa in ay bilowdaan wada-hadallo ku saabsan nabadaynta labada dhinac, si loo xalliyo xiisaddaas ku salaysan muranka dhuleed.