WARARKA SOOMAALI

Xaalada Nabadaynta Colaadii Gobolka Cayn iyo Boqor Cabdilaahi oo Jeediyey Tallo dhaxal gal ah.

Buuhoodle (HM) Waxaa Mudooyinkii dambe Socday Dedaalo iyo Kulamo lagu soo Afjarayo Colaad dhowaan kasoo cusboonaatay deegaanada Gocondhaalle iyo Ceegaag.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Wufuud Isimo ah oo uu Hogaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa kulamo joogto ah la yeelanayey waxgaradka labada dhinac, Iyadoona ay Meel wanaagsan marayso Xaalada Nabadayntu.

Boqor Cabdullaahi Axmed Cali ayaa Waxgaradka Labada Beelood ugu baaqay inay Nabadda Qaataan, iyadoo aan Shuruud ku xidhnayn. Waxkasta oo dhaca idinka ayaa is huran oo Walaalo ah”.

Wuxuu Boqor Cabdullaahi sidoo kale uga mahad celiyey isimada dhaqanka ee Arintaasi Nabadaynta ku howlan, Wuxuuna ka codsaday inay arintaasi soo Afmeeraan.

Qoladii isimada iyo Waxgaradku u duceeyaan maanta waa Helayaan, Qoladii ay Habaaraan way helayaan, ee Nabadda hala qaato”.

Haybadii Reer Buuhoodle soo celiya, oo Tolka maqla, ayaan leeyahay Labada Beelood, ayuu kusoo xidhay Hadalkiisa.

Boqor Cabdullahi oo kamid ah isimada dhaqanka ee SSC ayaa hada Xaalad Caafimaad u jooga magaalada Muqdisho.

Xigasho: Kalshaale.com

SOMALI NEWS

To Top