WARARKA SOOMAALI

Xaalad ka taagan Puntland iyo Lacagta Shillin Soomaaliga oo socon…

Qaar kamid ah Ganacsatada Puntland, ayaa bilaabay in ay daadiyaan Lacagta Shilin Soomaaliga ah, kadib markii ay ka socon-wayday gudaha Puntland.

Xubno ka tirsan Ganacsatada ayaa u sheegay warbaahinta in laga aamin-baxay isticmaalka Lacagta Shilin Soomaaliga ah, islamarkaan aysan hadda ka shaqayn dhammaan magaalooyinka Puntland.

Sidoo kale, guddiga xukuumadda Puntland u xil-saartay socod-siinta Lacagta Shilinka oo go’aanno kala duwan ka soo saaray arrintan ayaan weli isbeddel muuqda keenin.

Tallaabadii u dambaysay oo guddigaas qaaday waxay ahayd xannibaad uu saaray Dollar-ka danabaysan ee mobile-ka la isu’gu diro, taas oo wixii hal dollar ka la joojiyay, inkastoo aysan faa’ido soo kordhin.

Si kastaba ah’ahaatee waxaa xusid n go’aankaas u dambeeyay uu culays horleh ku keenay Ganacsiga iyo iibsiga adeegyada as’aasiga u ah nolosha dadweynaha.

SOMALI NEWS

To Top