WARARKA SOOMAALI

Weerar khasaaro geystay oo ka dhacay xaafad ka tirsan Muqdisho

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar ay fuliyeen kooxo hubeysan oo lagu dilay saddex qof, halka qof kalena lagu dhaawacay oo xalay ka dhacay xaafad ka tirsan degmada Deyniile ee Gobolkaan Banaadir.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in weerarka uu yimid, kadib markii dabley hubeysan oo aan heybtooda la garan ay rasaas gaadmo ah ku fureen Bar koontarool oo ciidamada amniga dowladda ku leeyihiin Dayniile.

Dadka dhintay ayaa kala ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada, nin horey Guddoomiye Waaxeed uga soo noqday degmada Hodan iyo wiil ku sugnaa Kontrolka la weeraray, halka askari kalena uu dhaawac soo gaaray.

Dableydii weerarka soo qaaday ayaa goobta ka baxsaday, waxaana socda howlgal ay ciidamada dowladu ka wadaan nawaaxiga goobta uu weerarku ka dhacay iyagoo baadi goobaya ragga weerarka soo qaaday.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa waxaa todobaadyadii ugu dambeeyay kusoo badanayay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay Mas’uuliyiin iyo Askar, waxaana inta falalkaas mas’uuliyadooda sheegtay Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top