WARARKA SOOMAALI

Weerar khasaaro dhaliyey oo ka dhacay Baladweyne iyo Faah faahin la helay

Weerar loo adeegsaday Bam gacmeed ayaa waxaa xalay lagu tuuray Bar koontarool oo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Maamulka Hirshabeelle ku leeyihiin Xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Dad ayaa waxaa ay ku warrameen in weerarka lagu qaaday Barta koontarool ay fuliyeen rag hubeysan oo durbo falka kadib goobta ka baxsaday, iyadoona dadka xaafadda Buunda-weyn ay maqleen rasaas farabadan oo ay fureen Ciidamada.

Inta la xaqiijiyay laba ruux oo shacab ah ayaa waxyeelo kasoo gaaray weerarka Bambaano ee lagu qaaday Ciidanka fariisinka joogay, mana jiro khasaaro kale oo laga soo weriyay weerarkii ka dhacay Baladweyne.

Laamaha amniga Maamulka Hiiraan ayaan weli faah faahin ka bixin weerarka ka dhacay xaafadda Buunda-weyn ee Magaalada Baladweyne, hayeeshee waxaa xusid mudan in Ciidanka amniga ay sameeyeen howlgal lagu baadi goobayay dadkii ka dambeeyay falkaas.

Si kastaba Baladweyne ayaa kamid ah Magaalooyinka loo Asteeyay inay ka dhacaan doorashooyinka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, waxaana horey Magaaladaas uga dhacay falal amniga lid ku ah oo geysteen Al-shabaab.

SOMALI NEWS

To Top