Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar loo adeegsaday Bam gacmeed oo fiidnimadii horey xalay ka dhacay degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya.
Rag hubeysan oo la rumeysan inay ka tirsan yihiin Al-shabaab ayaa weerarka ku qaaday Saldhig Ciidanka dowladda Federaalka iyo kuwa maamulka ay ku leeyihiin xaafad ka tirsan degmadaas.
Dadka deegaanka qaarkood oo la hadlay Warbaahinta madaxa banaan ayaa u sheegay in gudaha degmada mar qura laga maqlay jugta Bambada iyo rasaas ay fureen Ciidanka dowladda, wallow daqiiiqado kadib xaalada caadi noqotay.
Dad shacab ah oo xiligii weerarku dhacayay ku sugnaa meel ku dhow Saldhiga Baardheere ayaa lagu warramay inay waxyeelo soo gaartay, in kasoo aysan cid faah faahin rasmi ah ka bixisay weerarkaas oo dhacay fiidnimadii xalay.
Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa xalay ilaa iyo saaka waxaa ay howlgallo kala duwan ka wadaan Xaafadaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, iyaga oo baadi goobaya dadkii ka dambeeyay weerarkaasi bambaano.
Degmada Baardheere ayaa waxaa ay kamid tahay degmooyinka ugu amniga wanaagsan gobolka Gedo, in kastoo mararka qaar ay Al-Shabaab weeraraan Saldhigyada Ciidamada dowladda ku leeyihiin degmadaas.