WARARKA SOOMAALI

Wasiiro miisaan culus oo deg deg isku casiley kadib fadeexad culus.

Muqdisho (HM)-Laba kamid ah wasiiradda dalka Namibia ayaa xafiiska baneeyay kadib markii baaritaano la sameeyay lagu soo bandhigay musuqmaasuq iyo laaluush qaadasho.

Bernhard Esau, wasiirka Kalluunka iyo Kheyraadka Badda, iyo Sacky Shanghala, wasiirka cadaaladda ayaa galaafatay baaritaano ay sameeyeen warbaahino isugu jira maxali iyo caalami ah.

Labadda mas’uul ayaa loogu eedeeyay in ay laaluush ka qaateen Samherji, mid kamid ah shirkadaha kalluunka ee ugu weyn Iceland, si ay dib ugu soo celiyaan mashruuc goobaha kalluunka ah.

Madaxtooyadda oo war-saxaafadeed degdeg ah soo saartay kadib fadeexadda ayaa si rasmi ah waxay ugu dhawaaqday in istiqaaladda laga qabtay wasiiradda.

Bayaanka oo saxaafadda lasii siiyey nuqulo kamid ah ayaa waxaa nan lagu caddeynin hadii xubnahaan maxkamad lasoo taagi doono.

Baaritaanka waxaa sameeyay warbaahinada; Al Jazeera, Icelandic State Broadcaster RUV, iyo Icelandic magazine Stundin, kuwaas oo ku saleeyay xogo loo dusiyey.

Macluumaadka ayaa ku saabsan dukumiintiyo ka badan soddon kun, fariin qoraalo iyo waliba macluumaadyo kale oo muhiim u ahaa baaritaankooda.

Barnaamijka ku saabsan baaritaanka wax is-dabamarinta ayaa waxaa lagu wadaa in la baahiyo 1-da bisha soo aadan ee December 2019, waxaana laga daawan doonaa wadamo badan oo dunida ah.

SOMALI NEWS

To Top