WARARKA SOOMAALI

Wasiiro ka tirsan maamulka Soomaliland oo laga helay cudurka Caraonavirus-Video

Hargeysa (HM)-Wasaarada Caafimaadka iyo daryeelka bulshada maamulka Somaliland ayaa shaacisay in cudurka safmarka ah ee Caraonavirus laga helay labo Wasiir katirsan Xukuumada uu hogaamiyo Muuse Biixi.

Wasiirka Maalgashiga Maamulka Somaliland Maxamed Axmed Cawad ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in uu isku arkay calaamadaha lagu garto cudurka Caronavirus, waxa uuna tilmaamay in hada xaaladiisa wanaagsan tahay.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Mr Cawad ayaa sheegay in uu is galiyay karantiil si uusan cudurkan ugu sii faafin bulshada, waxa uuna ugu baaqay bulshada Somaliland in ay qaataan talooyinka caafimaad si looga hortago faafitaanka iyo qatarta cudurkan.

Wasiirka kale ee laga helay cudurka caroanvirus ayaan la shaacin magaciisa, waxaana labadan Wasiir kamid noqdeen dadka laga helay caabuqa kadib baadhitaanadii ugu dambeeyay ee la sameeyay.

SOMALI NEWS

To Top