WARARKA SOOMAALI

Wasiir ka tirsan Puntland kana soo jeeda Buuhoodle oo geeriyooday.

Laascaanood ( HM ) Waxaa goordhawayd la xaqiijiyey geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo isbeddelka cimilada maamulka Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo ku geeriyooday magaalada Muqdisho Caasimadda dalka.

Ismaaciil Gamadiid ayaa kamid ahaa Wasiirada ugu khibaradda baddan golaha wasiirada ee magacaabey Madaxweyne Deni horraantii 2019, waxa uu ka soo shaqeeyey Wasaaradii Waxbarashada ee Soomaaliya sanadihii todobaadanaadkii isaga oo magaalooyin kala duwan ka noqdey macalin, kadib waxa uu ku wareegay Wasaaraddii Daaqa Qaranka halkaas oo uu muddo ka soo shaqeeyey.

HALKAN KA DAAWO

Ismaaciil Diiriye Gamadiid ayaa burburkii kadib ku noolaa dalka NewZeland, kadib waxa uu uga guurey dalka Australia.

Waxaa la Rumaysan yahay inuu Wasiirka Haleelay Cudurka Safmarka ah ee Koroona Fayrus, Islamarkaana uu Xaalad Caafimaad u tagay magaalada Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Wasiir Ismaaciil Diiriye Gamaadiid, ayaa wuxuu deegaan ahaan kasoo jeedaa magaalada Buuhoodle ee Xarunta Gobolka Cayn.

SOMALI NEWS

To Top