WARARKA SOOMAALI

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia oo Amar culus soo saartay

Warqad ka soo baxday Xafiiska Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa waxaa lagu mamnuucay si KMG ah in guryo looga dhisto agagaarka Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho.

Qoraalka ay soo saartay Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa waxaa lagu sheegay in la joojiyey dhammaan dhismayaasha ka socday dhulalka ku yaalla gudaha Garoonka Aadan Cadde iyo bannaankiisa, kadib markii ay Wasaaradda soo gaareen dacwooyin badan.

Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya Marwo. Fardowsa Cismaan Cigaal ayaa tilmaamtay in Garoonka Aadan Cadde uu yahay muraayadda dalka, taas oo muhiim ka dhigeysa in nidaam loo helo dhismayaasha xiga Garoonka.

Sidoo kale Qoraalka ay soo saartay Wasiir Fardowsa Cismaan ayaa waxaa intaas lagu sii daray in dhismaha dhulka Garoonka uu keenayo amni darro dhinaca duulimaadyada ah, isla markaana go’aankaan looga soo saaray feejignaan.

Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Somalia oo Amar culus soo saartay
To Top