WARARKA SOOMAALI

Wasaaradda Amniga Soomaaliya oo ku dhawaaqday in Muqdisho uu ka yaraaday Hubkii cuslaa iyo amaankoo hagaagay…

Wasaaradda Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa war ka soo saartay xaalada amniga ee magaalada Muqdisho, iyadoo mar kale ugu baaqday shacabka inay la shaqeeyaan ciidamada amniga, si looga hortago falalka amni daro.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Axmed Maxamuud Sayid Carab ayaa sheegay in howl galada xasilinta ee ka socday magaalada Muqdisho uu suura geliyay in hubkii cuslaa ee lagu watay magaalada la uruuriyo, isla markaana uu yaraado hubkii cuslaa ee lagu wadan jiray magaalada.

“Magaalada Muqdisho hubkii faraha badnaa ama qoryihii cuslaa, sida BKM iyo baabuurti ciidamada waa yaraadeen, waxay taas ku timid howl galada ciidamada xasilinta oo lagu uruuriyay hubka sharci darada”ayuu yiri Afhayeenka Wasaaradda Amniga.

Sidoo kale Afhayeenka ayaa sheegay in ammaanka magaalada uu soo hagaagay, isla markaana Wasiirada qaar ammaankooda ay ilaaliyaan labo askari kaliya sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa uu ugu baaqay shacabka Gobolka Banaadir inay ku baraarugaan in Shabaabka ay duulaan ku yihiin, isla markaana cid walba ay u siman yihiin inay dilaan, loona baahan yahay inay kacdoon wadajir ah sameeyaan, si Shabaabka looga soo horjeesto.

Wasaaradda Amniga ayaa horay u sheegtay in howl galada xasilinta Caasimadda uu qeyb ka yahay hub uruurinta, iyadoo muddooyinkan uu magaalada ka yaraaday qoryihii iyo ciidamadii faraha badnaa iyo gaadiidkii dagaalka ee magaalada lagu wadan jiray.

SOMALI NEWS

To Top