WARARKA SOOMAALI

Wariye caan ku ahaa Dabagalka Dembiyada oo weerar qorsheysan lagu khaarijiyay

Husnain Shah oo 40 jir ah ayaa lagu dilay magaalladda Lahore ee dalkaasi Pakistan, xilli uu ka baxsanayey dabley soo weerartay.

Saxafiga oo ahaa Weriye Dabagalka Dembiyada ayaa waxa uu u shaqaynayey Telefishinka Capital TV, wuxuuna xubin ka ahaa Naadiga Warbaahinta ee The Lahore Press ee magaalladda Lahore.

Xogaha ay duubeen Kaamerooyinka Qarsoon ee CCTV ayaa muujiyey in Saxafiga oo watay gaarigiisa lagu weeraray, xilli uu  ka ah dhawaa Dhismaha Naadiga Saxaafadda ee Lahore.

2 dabley hubeysan oo watay Mooto ayaa la sheegay inay gaariga Weriyaha ku fureen rasaas badan oo sababtay dhimashadiisa.

Muuqaalo lagu duubay Mobaylo iyo Kaamerooyinka Warsoon (Mobile phone and CCTV camera footage) waxay muujiyeen 2 dablay oo mooto ku baxsaday dilkaasi kadib, iyadoo 10 xabbad lagu dhuftay Saxafiga.

Wariye caan ku ahaa Dabagalka Dembiyada oo weerar qorsheysan lagu khaarijiyay
To Top