WARARKA SOOMAALI

WARAYSI:-Garaad Cabdilaahi Cali Ciid oo si kulul uga hadlay Kufsiga Gabdhaha Puntland-Video

Garoowe  ( HM) Garaad Cabdullahi Cali Ciid oo kamid isimada dhaqanka ee Puntland  ayaa si adag uga  hadlay Falalka kufsiga iyo Dilka wada socda  ee Mudooyinkii dambe kusoo Badanayey Puntland.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

“Waa wax aan horay u Jirin,  oo dhaqan Soomaaliyeed iyo Mid Islaam ahayn,  In Gabadh yar 5-Nin Fuusho oo la dilayo,   Gabadh Nin wayn oo AIDS Qabaa kufsanaya gabadh 6-sano Jirta,  In Haweenay Xaamilo ah la Kufsaday lana dilay, Inkastoo kuwii falkan u gaystay la sheegay in la Qabtay waa wax aad loola yaabo Arintani.”

“Anigoo ku hadlaya Afka Isimada Arintan ka socota Dhuusamareeb ee Garoowe , Waa arin u baahan in wax laga qabto,  Waana in Tallaabo laga qaado oo la baadho meesha laga Maleegayo”

Ciidamada Aniga iyo Madaxda Puntland  ayuu ugu baaqay Garaadku inay Tallaabo adag Qaadaan, Islamarkaana Sharciga la Mariyaa dadka dhibkaasi gaystay.

SOMALI NEWS

To Top