WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Garoowe

Magaalada Garowe ee Caasiamda  Dawlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ka  taagan Xiisad dagaal oo u dhexeysa  Madaxweynaha Maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni  iyo siyaasiyiinta Mucaaradka ku ah.

Wararka ka imaanaya Magaaladaas ayaa sheegaya in labada dhinac ay bilaabaeen Hub Aruursi  iyo in ay Garowe ku soo daabuulaan Gaadiid dagaal Ciidamo u badan maleeshiyo Beeleedyo oo midba midka kale doonayo in uu dagaalka u adeegsado.

Shacabka ku nool Garowe ayaa durba cabsi xooggan ay soo wajahday kuwqaas oo  baqdin ka muujinaya in lagu dul dagaalamo, isla markaana bilaabay  ka barakacaan Magaladaas.

Dallada Mucaaradka Mucaaradka Puntland ayaa ku Eedeysay  Madaxweyne in in kabadan 40 Gaadiid oo kuwa dagaalka  ah uu ka soo daabulay Magaalada Boosaaso ee Xarunta gobolka Bari kuwaas oo haatan ku sugan degmada Qardho si uu ugu adeegsado colaada uu ka hurinayo Magaalada Garowe.

Colada u dhexeysa Xukuumadad Puntland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni iyo Siyaasiyiinta Mucaaradka ayaa ku soo aadeytsa Xilli Madaxweynaha Puntland lagu Eedeeyay in qobashada doorasho qof iyo cod uu ku raadiunayo Muddo kororsi.

Wararkii ugu danbeeyay Xiisad Dagaal oo Maanta ka taagan Garoowe
To Top