WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa duhurnimadii Maanta qeybo kamid ah degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ku dilay Sarkaal ka tirsanaa  Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaa kuwa Booliska, waxaana falkaas laga helayaa faah faahino.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag dhallinyaro oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Sarkaalka ka tirsanaa Ciidanka Booliska, xilli uu ku sugnaa Xerada Ciidamada ee Saban Saban ama (77), taas oo u dhow Aargada degmada Deyniile.

Sarkaalka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Xasan Siyaad (Cali Tariin), waxaana warar la helayo ay sheegayaan in dableydii hubeysneyd ee falkaas geystay ay horey usii qaateen Bastoolad uu watay Sarkaalka oo u dhintay rasaas looga dhuftay qeybaha sare ee jirka.

Ciidamo ka tirsan kuwa dolwadda Federaalka gaar ahaan kuwa ka howlgala degmada Deyniile ee Gobolka Banaadir ayaa durbadii goobta uu falka ka dhacay gaaray, isla markaana halkaas ka qaaday Meydka Saraalka, lana aaday dhinaca CID-da.

Wararkii ugu danbeeyay Sarkaal Ciidan oo lagu dilay Magaalada Muqdisho
To Top