WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Boosaaso

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa gabaldhicii galabta ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari, qaraxa ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aasay.

Qaraxa miinada ayaa waxaa lagu aasay goob maqaayad ah oo ay ragga ku shaah cabaan, jugta qaraxaas ayaa waxaa la maqlay inta badan xaafaddaha magaalada Boosaaso, sida ay warbaahinta u sheegeen qaar kamid ah dadka deegaanka magaalada.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan saddex ruux ayaa ku geeriyooday, tiro intaa ka badana waa ku dhaawacmeen qaraxa, waxaana dadka dhaawacmay durbadii loola cararay Isbitaalka weyn ee magaalada, si xaaladdooda caafimaad loogu dabiibo.

Laamaha ammaanka dowlad Goboleedkam Puntland ee Gobolka Bari iyo kuwa Boosaaso ayaan weli ka hadlin qaraxa khasaaraha geystay, Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyada qaraxaas dhacay.

Qaraxa magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kusoo aadaya xili ammaanka magaalada muddooyinkii u dameeyey u muuqday mid soo hagaagaya, waxaana horey halkaas uga dhacay qaraxyo iyo weeraro khasaaro geystay.

Wararkii ugu danbeeyay Qarax khasaaro sababay oo ka dhacay Boosaaso
To Top