WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Koox burcad oo dhacay Mooto Bajaaj dilna geystay

Wararka aan ka heleyno Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa ay sheegayaan in barqadii Maanta ay kooxo hubeysan oo burcad ah ku dileen xaafad ka tirsan Magaaladaas wiil dhallinyaro oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Goobjoogayaal ayaa ku warramay in burcada hubeysan oo watay qoryo ay Wiilka dhallinyarada ka dhaceen Mooto Bajaaj uu ku shaqeyn jiray, isla markaana kahor inta aysan dhaca u geystay dilay, kadibna ka kexeeystay Mootadii uu watay.

Sidoo kale waxaa la sheegay in wiilka iyo burcada uu dhexmaray muran xoogan, balse wiilka uu waayay cid gurmad siisa oo ka dhicisa burcad hubeysan ee dhaca u geystay, kuwaasi oo markii dambe goobta ka baxsaday.

Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaan ka dhici jirin falalka la xiriira dilalka ay geysanayaan Kooxaha Burcadda ah, balse dadka Reer Beledweyne ayaa walaac ka muujinaya dilkaan dhacay iyo sida uu u saameyn karo Kooxaha Burcadda ah ee dhaca geysanaya.

Wararkii ugu danbeeyay Koox burcad oo dhacay Mooto Bajaaj dilna geystay
To Top