WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Galmudug

Wararka aan ka heleyno deegaan hoostega Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in maalintii labaad uu halkaas ka socdo dagaal u dhexeeya laba maleeshiyo beeleed, waxaana dagaalka la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalkaan oo gelinkii dambe ee shalay bilowday ayaa waxaa uu si gaar ah uga socdaa tuulo lagu magacaabo Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Galgaduud, dagaalkaan ayaa yimid, kadib markii mid kamid ah maleeshiyaadka ay weerar ku qaadeen rag xoolo ku ilaalinayey tuuladaas.

Khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay dagaalka oo labada dhinac soo kala gaaray, in kastoo aan weli si rasmi ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha, maadaama aaga lagu dagaalamayo aan laga agdhawaan karin oo rasaas ka socoto.

Dagaalka maleeshiyo beeleedka ayaa salka ku haaya arrimo la xiriira dul-daaqsimeed ku yaalla tuulada Baale oo hoostagta deegaanka dhagax-dheer ee Gobolka Galgaduud, mana jirto cid kala dhex-gashay, sidoo kalena Maamulka Galmudug ayaan ka hadlin.

Si kastaba deegaano ka kala tirsan Gobolada Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa muddooyinkii dambe kusoo laab-laabtay dagaal beeleedyo iyo dilal aanooyin qabiil ah, waxaana dhowr jeer lagu guuleystay joojinta dagaal beeleedyada soo noq-noqday.

Wararkii ugu danbeeyay Dagaal culus oo maalintii labaad ka socda Galmudug
To Top