WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu Danbeeyay Dagaal ay ku dhinteen Dad badan oo ka dhacay Galmudug

Wararka aan ka heleyno Gobolka Galgaduud gaar ahaan deegaan ku yaalla inta u dhexeeysa Magaalooyinka Xeraalle iyo Caabudwaaq ayaa sheegaya in halkaasi uu saaka ka qarxay dagaal beeleed dhexmaray laba maleeshiyo hubeysan.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan oo weli socda ayaa la isku adeegsanayaa hubka noocyadiisa kala duwan, isla markaana waxaa ka dhashay khasaaro badan oo gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad shacab ah oo rasaasta ugu tagtay guryahooda.

In ka badan 8 ruux oo labada dhinac ah iyo dad shacab ah ayaa ku dhintay dagaalka ka soconaya inta u dhexeeysa Magaalooyinka Xeraalle iyo Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud, halka dhowr iyo toban kalena ay ku dhaawacmeen.

Majiro wax war ah oo ka soo baxay maamulka Galmudug oo looga hadlayo Colaaddaan ka taagan Xeraale iyo Caabudwaaq.

Deegaannada Galmudug ayaa waxaa ku soo laa laabtay dagaal beeleedyo khasaara lixaad leh dhaliya, xal rasmi ahne uma aysan keenin maamulka Galmudug ee dagaallaan looga hortagayo.

Wararkii ugu Danbeeyay Dagaal ay ku dhinteen Dad badan oo ka dhacay Galmudug
To Top