WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo Guluf Dagaal culus ka wada Sh/Dhexe

Wararka aan ka heleyno Gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan degmada Aadan-yabaal ee Gobolkaas ayaa sheegaya in ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ee macwiisleyda ay kaabiga ku hayaan degmadaas Aadan-yabaal.

Ciidamada huwanta ayaa shalay qabsaday deegaano hoostega Aadan-yabaal oo ay ku sugnaayeen dagaalamayaasha Al-shabaab oo la sheegay in deegaanadaas ay isaga baxeen, kadibna ay u suuragashay ciidamada dowladda inay la wareegaan.

Ciidamada ayaa la wareegay gacanta ku heynta deegaannada kala ah Mabaax, Guulane iyo Daarusalaam, waxaana wararkii ugu danbeeyay ee la helayo sheegayaan in ciidamada doonayaan inay qabsadaan Aadan-yabaal oo sanno badan ay joogaan Shabaabka.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidamada dowladda iyo macwiisleyda ayaa oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa u sheegay inay saaka wadaan dhaq-dhaqaaqyadii ugu dambeeyay oo ay kula wareegayaan degmada Aadan-yabaal, isla markaana ay kaabiya ku hayaan.

Dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa sanno badan ku sugan degmada Aadan-yabaal ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, iyagoona halkaas ku leh Xarunta ugu weyn ee Gobolka,. Al-shabaab ayaa labadii bil ee lasoo dhaafay laga qabsaday deegaano ku teedsan dhulka xeebta ee Shabeellaha Dhexe.

Wararkii ugu danbeeyay Ciidamo Guluf Dagaal culus ka wada Sh/Dhexe
To Top