WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Rag lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dabley hubeysan oo xalay xaafadda Suuq Liif ee degmada Dharkeenley ee Gobolka Banaadir ku dishay laba nin oo la sheegay inay kamid ahaayeen dadka deegaanka degmadaas, sidoo kalena ahaa wiil iyo adeerkiisa.

Ragga la toogtay ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Xuseen Cabaas iyo Cabdi Cismaan Cali, kuwaasi oo la dilay xili ay meel wada fadhiyeen labadooda, iyagoona u geeriyooday rasaas looga dhuftay qeybaha sare jirkooda.

Ciidamada ammaanka dowladda  Federaalka ayaa sida caadada aheyd gaaray goobta dilku ka dhacay, waxaana meydadka labada nin ee la dilay loo qaaday xarunta CID-da, halkaas oo baaris kadib loo gudbiyay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho.

Magaalada Muqdisho ee Caasimadda dalka ayaa waxaa mararka qaarkood ka dhaca dilal qorsheysan oo geystaan rag dhallinyaro ah oo ku hubeysan Bastoolado, waxaana horey dilal loogu fuliyay Mas’uuliyiin dowladeed, Odayaal dhaqan, Askar Ciidan iyo dad shacab ah.

Wararkii ugu dambeeyay Rag lagu dilay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho
To Top