WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay isku day Afgambi oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee Itoobiya-Akhriso

Jigjiga (HM)-Wararka ku saabsan afgambiga ay xukumada Itoobiya sheegtay inuu fashilmay ayaa si tartiib ah isaga soo dabadhacaya laakiin wali sawirka dhabta ah lama hayo. Xaalada ayaa ku bilaabantay weerar lala beegsaday 6:30 maqaribno ee shalay madaxda haysa maamulka Axmaarada oo ku shiraysay Bahir Dar. Xoghayaha dhinaca saxaafada ee Ra’isul wasaaraha ayaa sheegay in afgambiga la fishiliyay islamarkaana ciidamada federaalka iyo kuwa maamulka Axmaaradu xaalada dajiyeen.

Waxaa soo yeedhay xogo sheegaya in talyihii ciidamada dalka la toogtay iyada oo dhimasho iyo dhaawacba lagu sheegay.

Ra’iisul wasaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa TV-ga dalka xalay kasoo muuqday isaga oo ku libisan direyska ciidamada. Waxa uu xaqiijiyay in isku dayga afgambiga gobolka Axmaarada madax sare lagu dilay, halka qaar kale la dhaawacay. Waxaa kale oo uu xaqiijiyay in dhibaato soo gaadhay taliyihii ciidamada qaranka, laakiin ma faahfahin. Abiya ayaa amaanay ciidamada islamarkaana ku booriyay midnimo.

Waxaa saaka la xaqiijiyay dhimashada madaxweynihii maamulka Axmaarada iyo la taliyaahiisi. Waxaa kale oo warbixinadii hore lagu sheegay in taliyihii ciidamadu dhaawac yahay.

Wax yar kahor ayuu xafiiska ra’isul wasaarahu xaqiijiyay in taliyihii ciidamada qaranka ay dileen ilaaladiisa gaarka ah.

Dawlada ayaa adeega internet-ka jartay islamarkaana wararka xakamaysay si xaalada loo dajiyo. Xukuumada ayaa marba xog usoo gudbinaysay warbaahinta iyo bulshada.

Maxaa ilaa hadda la og yahay?

Waxaa la xaqiijiyay dilka taliyihii ciidamada qaranka, jenaraal Seare Mokennon, iyo jeneraal kale oo lagu magacaabo Gezai Abera. Taliyaha ayaa la xaqiijiyay inay dilkiisa ku kaceen ilaaladiisa gaarka ah.

Waxaa la dilay madaxii maamulka Axmaarada, Ambachew Mokonnon, iyo la taliyaahiisi oo la yiraahdo Ezez Wasie. Waxaa kale oo la dhawaacay xeer-ilaaliyahii guud ee gobolka Axmaarada- Maqbaru Kebede.

Waxaa afgambiga hogaaminayay madaxa xafiiska nabadgalyada ee maamulka Axmaarada oo la yiraahdo Asamnew Tsige oo dhowaan xabsiga laga soo daayay.

Tsige ayaa horay loogu eedeeyay inuu dawlada ridayo isaga oo 9 sano xabsiga ku jiray. Waa nin aad xagjir u ah oo dhowaan meel fagaare ah ka sheegay inay qoomiyada Axmaarada is hubayso. Waxay Tsige is khilaafeen maamulka intiisa badan oo diiday xagjirnimada xad dhaafka ah.

Maamulka gobolka Axmaarada ayaa loo magaacabay hogaamiye ku-meel gaadh ah oo lagu magaacabo Lake Ayalew.

Ra’iisul wsaaraha iyo maamulo dhowr ah, oo uu ku jiro ka Soomaalidu, ayaa isku dayga afgambiga cambaarayay iyaga oo ku tilmaamay arrin aan dasduuri ahayn.

Dhacdada shalay ayaa mar kale muujisay in khatarta ugu weyn ee xukumada Abiy Ahmed tahay tartanka qowmiga ah iyo ciidamada dalka oo uuna aamini karin. Arrintan ayaa dignin u ah Abiy Ahmed iyada oo go’aamadiisa saacadaha ama maalmaha soo socda ahmiyad u yeelan karaan jiritaankiisa iyo ka wadankaba.

Xulafaysi noocee ah ayaa abuurmi kara? Wadanku dagaal sokeeye iyo kala daadasho ma ka badbaadi karaa?

Xukumada DDS iyo dadweynaha gobolka maxaa la gudboon?

Su’aalahaas iyo kuwa kale oo badan ayaa ku soo dhacaya maanka dadka Soomaalida ah ee sida dhow ula socda xaalada wadanka.

 

SOMALI NEWS

To Top