WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee Sool oo la dilay

Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya kooxo hubeysan oo xalay Magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ku dilay Gudoomiyihii xisbiga UCID ee Gobolka Sool Maxamed Axmed Faarax  (Aflahaar).

Dad goobjoogayaal ah oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in rag dhallinyaro ah oo watay Bastoolad ay toogasho ku dileen Allaha u naxariistee Maxamed Axmed, xili uu sii galayay hoyga uu deganaa Magaalada Laascaanood.

Ciidamo katirsan kuwa Booliska Soomaaliland ayaa gaaray halka uu dilka ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka wada howlgal ay ku baadi goobayaan dadkii ka dambeeyay dilkaas, in kastoo aysan jirin cid loo soo qabtay falkaas khaarijinta ahaa.

Dhowr jeer oo hore ayaa Magaalada Laascaanood waxaa lagu dilay dad xilal ka haayay Somaliland, waxaana taasi ay keentay in Somaliland magaaladaas kasoo musaafurisay Boqolaal qof oo kasoo jeeday degaannada Koonfur Galbeed, hayeeshee weli dilalka ay dhacayaan.

Wararkii ugu dambeeyay Guddoomiyihii Xisbiga UCID ee Sool oo la dilay
To Top