Garowe (HM)-Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa in saacado kadib uu gaaro magaalada Garowe ee xarunta Puntland.
Waxaa magaalada kaga sii horeeyay ra’iisul wasaaraha dalka iyo wafdi ka socda madaxtooyada Soomaaliya, kuwaasi oo magaalada Kulamo gaar gaar ah kula qaatay madaxda maamul goboleedyada.
Amaanka magaalada Garowe ayaa aad loo adkeeyay, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay waddooyinka magaalada ilaa garoonka diyaaradaha magaalada Garowe, waxaana la sugayaa wafdiga madaxweynaha.
Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu ka furo magaalada Garowe shirka u dhaxeeya madaxda dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada oo tabashooyin badan qaba.
Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa shalay gaaray Garowe, waxaana xalay halkaasi kulamo kala duwan kula qaatay Madaxda maamul goboleedyadda ee ku sugan Garowe, kulamadaasi oo looga hadlayay sidii shirkaan waxyaabaha kasoo baxa ay kaga duwanaan lahaayeen shirarkii hore.
Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli ay xiisad cusub ka dhalatay sharci doorasho oo ay ansixiyeen Golaha Wasiirada ee dowladda Federalka Soomaaliya, kaasi oo inta badan dowlad goboleedyada ay diideen qodobada qaar oo sharcigaasi ku jiro.
La soco waxii kasoo kordhaa Insha Allah.