WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho, xili loo dhex..

Kooxo hubeesan oo aan heebtooda la garan ayaa xalay xaafada Jamhuuriya ee degmada Kaaraan Gobolka Banaadir waxa ay ku dileen nin dhalinyaro ah oo kamid ahaa dadka deegaanka.

Wiilka la dilay oo magaciisa lagu sheegay Mukhtaar Yalaxow ayaa wararku sheegayaan in lagu dhax dilay gurigiisa, waxaana dilka kadib goobta isaga baxsaday ragii dilka geestay sida eheladiisa sheegeen.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dilka loo geestay wiilkan dhalinyarada ah, waxaana wararka qaar sheegayaan in dilka fuliyeen koox burcad ah halka warar kalana sheegayaan in dilku ahaa mid qorsheesan.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmahan waxaa kusoo badanayay dilalka loo geesto dadka shacabka ah, waxa ayna degmada Kaaraan kamid tahay degmooyinka ugu amaanka xun Caasimada, waxaaa inta badan degmadaasi dadka ku dila kuna dhaca burcad.

Wararkii ugu dambeeyay Dil ka dhacay xaafad ka tirsan Magaalada Muqdisho, xili loo dhex..
To Top