Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa habeenkii xalay aheyd ku dilay Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
Dad ayaa waxay ku warrameen in Askariga uu u geeriyooday rasaas ay ku fureen rag dhalinyaro oo watay Bastoolad, xili uu saarnaa Mooto Bajaaj mareysay xaafadda Kooshin ee Baladweyne.
Askariga la khaarijiyey ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Maxamuud Qeyleeye, isla markaana waxaa durbo goobta ka baxsaday ragii ka dambeeyay falkaas ka dhacay xaafadda Kooshin.
HALKAAN KA DAAWO MUUQAALKA
Si kastaba Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa waxaa horey uga dhacay weeraro iyo dilal qorsheysan oo lagu dilay Askar, Mas’uuliyiin iyo xubno kale, waxaana inta badan falalkaas sheegtay Al-shabaab.