WARARKA SOOMAALI

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb

Wararka aan ka heleyno Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa ay sheegayaan in halkaas uu ka socdo Dagaal xoogan oo u dhexeeya Ciidamada Galmudug, kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ciidamada Ahlusunna Waljameeca.

Dagaalka ayaa waxaa uu sigaar ah uga socdaa Xaafadaha Waaberi iyo Waxarcade ee Dhuusamareeb, isla markaana waxaa dhinacyada dagaalamaya ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoona la maqlayo rasaas xoogan.

Qaar kamid ah dadka deegaanka sheegay in dagaalka uu bilowday, kadib markii gudaha Magaalada lagu arkay Ciidamo ka tirsan kuwa Ahlusunna oo ka yimid deegaanka Bahol, halkaas oo degan yihiin hoggaanka sare ee maleeshiyaadka Ahlusunna.

Ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa Galmudug ayaa inta badan xarumaha muhiimka ah iyo dabaqyada Magaalada saaran, halkaas oo ay ka dagaalamayaan, halka kuwo Ahlusunna ay ku sugan yihiin xaafaddaha Waaberi iyo Waxarcade.

Saraakiisha Galmudug iyo kuwa Ahlusunna ayaa guulo ka kala sheegtay dagaalka, waxaana Saraakiil u hadlay labada dhinac ay sheegteen inay qeybo kamid ah Magaalada kala qabsadeen, iyagoona Galmudug xustay inay weerar kusoo qaadeen Ahlusunna.

 

Wararkii ugu dambeeyay Dagaal culus oo ka socda Magaalada Dhuusamareeb
To Top