Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Kolonyo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa Midowga Afrika ee AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda oo qarax xoogan lagula eegtay deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose ee Maamulka Koonfur Galbeed.
Qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka la geliyo ee laga hago Remote Control-ka ayaa waxaa Ciidanka uu ku qabsaday wadada dheer ee xiriirisa deegaannada Buula Mareer iyo Golweyn, xili ay halkaas socdaal ku marayeen, iyagoo kusii jeeday Buula-mareer.
Inta la xaqiijiyay Askari oo ka tirsan Ciidanka AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda ayaa ku geeriyooday qaraxaas, halka mid kalena uu dhaawac soo gaaray, kaasi oo lagu sheegay inuu ahaa nin Turjumaan u ah Ciidamada la qarxiyay.
Dad ayaa sidoo kale waxaa ay ku warrameen in qaraxa kadib ay Ciidanka fureen rasaas farabadan oo dadka deegaanka Golweyn ay maqlayeen, waxaana markii dambe halkaas isaga tegay oo horey u qaaday Meydka iyo dhaawaca Ciidanka AMISOM.