WARARKA SOOMAALI

Ciidaamadda Soomaaliya oo kaabiga ku haya degmo muhiim ah oo Al-shabaab sanado badan maamulayeen-Akhriso

Muqdisho (HM) – Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan milatariga Soomaaliya oo ay taageerayaan kuwa AMISOM ayaa ku sii dhaawanaya magaalada Janaale ee gobolka Shabeellaha Hoose oo ay saldhigyo waaweyn ku leeyihiin kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Dawladda ayaa hawlgalkooda bilaabay maalintii Axadda ee shalay iyagoo ka dhaqaaqay degmada Awdheegle.

Ciidamada ayaa si taxadar leh ku socda iyagoo mararka qaar gaadiidka ka dagaya si ay u hubiyaan minooyinka dhulka lagu aaso oo ay Al-Shabaab u isticmaalaan inay ku qarxiyaan ciidanka kuna hor istaagaan socodkooda.

Ciidamada xoogga dalka ayaa la sheegay inay labo jiho ugu dhaq dhaqaaqeen Janaale, inkastoo aan weli la soo sheegin wax iska hor imaad ah, hadana saraakiisha ciidanka ayaa sheegay in si taxadar ku jiro u socdo howlgalka ay wadaan.

Taliyaha Ciidanka dhulka Jen. C/xamiid iyo Saraakiil uu hoggaaminayo ayaa gaaray deegaanka Buufow ee duleedka Marka, halkaasoo uu kula hadlay Ciidamada ka qeyb qaadanaya howlgalka lagu qabanayo deegaanka Janaale.

Saraakiisha ciidanka oo ay soo xigeynaysay warbaahinta dawladda ayaa sheegaya in ujeedka hawlgalku yahay sidii Al-Shabaab looga saari lahaa magaalada Janaale oo ah xarun muhiim ha oo ay ka soo abaabullaan weerarrada ay ka fuliyaan gobolka Shabeellaha Hoose iyo magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Sidoo kale waxa todobaadyadii ugu dambeeyay kordhay duqeynta diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee maraykanka ee lagu bartilmaameedsanayo xubnaha Al-Shabaab.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in Al-Shabaab isaga baxeen Janaale, inkastoo saraakiisha ciidanka dowladda ay tilmaameen inay ka feejigan yihiin taxadarayaan dhagarta Al-Shabaab.

Degmada Janaale ayaa ka mid ah deegaanada caanka ku ah dhul beereedka, waxaa Al-Shabaab u aheyd meel muhiim ah oo ay ka soo galaan dhaqaale fara badan oo dhanka ganacsiga, waxaana degmadan muddo sanado gacanta ku hayay Al-Shabaab tan iyo markii Ciidanka AMISOM lagu weeraray, isagana baxeen shan sano ka hor.

SOMALI NEWS

To Top