Dowladda Shiinaha ayaa xaqiijisay in gantaalkii ka soo fakaday uu dhulka ku soo dhacay Badweynta Hindiya, gaar ahaan meel u dhow Jaziiradda Maldives.
Warbaahinta Shiinaha ayaa sheegtay in Gantaalkan uu dhulka soo gaaray axadii maanta, xilliga saacada Shiinaha aheyd 10:24.
Gantaalkan oo lagu magacaabo Long March-5b ayaa ah sida gaari xamuul qaadi kara, waxaana bishii la soo dhaafay loo diray Saldhigga cusub ee Shiinaha ka sameystay hawada sare.
Mareykanka ayaa ku eedeeyay Shiinaha in arrintan ay ku timid dayacaad uu sameeyay, isla markaana aanay wax mas’uuliyad ah iska saarin.