Garoowe (HM)-Xildhibaanada Baarlamaanka maamul gobaleedka Puntland ayaa goor dhow xilka ka qaaday Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulkaasi C/xakiin Dhoobo-Daareed, kaddib mooshin ay ka keeneen.
Fadhi goor dhow ay Xildhibaanada ku yeesheen xarunta Baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 53 Xildhibaan, iyadoo uu shir guddoominayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad.
49 Xildhibaan ayaa ansixiyay u codeeyay mooshinka xil ka qaadista, halka 4 Xildhibaan ay ka aamustay, iyadoo tani ka dhigan tahay in sidaas xilka looga xayuubiyay Guddoomiyihii Baarlamaanka maamulka Puntland C/xakiin Dhoobo Daareed.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada mooshinka ka keenay Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa ku eedeeyay inuu ku xadgudbay dastuurka, isla markaana xarunta baarlamaanka uu soo geliyay ciidamo beeleed.
Xalay ayay aheyd markii dagaal Khadhaadh uu ka dhacay xarunta baarlamaanka uu dhex maray Ciidamo ilaalo ka hayay Xarunta iyo Ciidamo uu hoggaaminayay Taliyaha Booliska Puntland kuwaas oo daacad u ah Madaxtooyada Garoowe, waxaana is rasaaseynta ku geeriyooday saddex ruux oo uu kamid yahay Ganacsade si wayn looga yaqaanay Puntland.
Horufadhi News