WARARKA SOOMAALI

War deg deg ah: Waftigii ugu balaadhna oo ka socda dalka Maraykanka oo xarunta Khaatumo ee Buhodle saaka ku wajahan.

Magaalada Buuhoodle waxa si weyn qaban qaabo soodhaweyneed uga wada maamulka Khaatumo oo uu madaxweyne Dr Ali Khaliif horkacayo, ayadoo siweyn loo abaabulayo soo dhaweynta wefti Maraykan ah oo hay’adaha caalamiga ah ee deeqbixiyayaasha ah ka socda, kuwaasoo casuumaad iyo qayladhaan wada socotaa u direen maamulka Khaatumo State.

Waftigan ayaa waxay ka socdaan hay’adaha USAID, WHO, FAO iyo kuwakale, ayagoo lagu wado inay gargaar ka qaybiyaan halkaas mashaariic waa weyn oo ceelel biyood, cusbitaalo iyo xarumo kalena ka hergeliyaan deegaanada.  Waftigan ayaa toos uga soo duuley Ethiopia gaar ahaan Adis ababa.

Sidoo kale waftigan ayaa deegaamada Khaatumo socod ku mari doona, ayagoo si weyn ugu kuurgeli doona xaalada deegamada Khaatumo ee cidhiidhiga ku jirey 30ka sanadood, maamulka Khaatumo ayaa sidoo kale maalinimadii isniintii qaabiley wafti ka socdey dalalka Khaleejka oo horey ay ugu qayla dirsadeen.

Deegaamadana waxa si weyn ugu baahaya xanuunka Daacuunka tiiyoo horey ay dadku ula liiteen Gaajo, Abaar iyo macaluul baahsan.

[email protected]

SOMALI NEWS

To Top